4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 21, 2024
Madaxweyne Xasan Sheikh: Heshiiska difaaca ee aan la galnay Turkiga ma ahan inaan kula diririnayo Ethiopia

Arbaco, February, 21, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda  Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa sheegay, heshiiska iskaashiga dhanka difaaca ee ay la saxiixdeen Turkiga, in uusan ahayn mid lagula diririyo Ethiopia oo ay Soomaaliya ay kala dhaxayso xiisad ka dhalatay heshiiska badda.

“Waxaan Turkiga u kaalmo weydiisanay ma ahan in Ethiopia lala dirirno, dal kale in lagu duulo ma ahan. Waxay nagu kaalmeeyeen dalkeenna inaan difaacno. Turkiga heshiiska aanu la galnay intaas weeye," ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa sheegay dowladda Turkiga inay ilaalin doonto badda iyo kheyaadka Soomaaliya, oo ay kamid yihiin kalluumaysiga sharci darrada, sunta lagu shubo xeebaha iyo ka hortagga falalka burcad badeedda.

Wuxuu madaxweynuhu sheegay in heshiis uu muddo dheer soo socday.

“Waa heshiis 10 sano socon doona, oo wax laga beddeli karo, waxna lagu dari karo. ama isaga oo dhan la baabi’in karo,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Xasan Sheikh wuxuu sheegay in heshiiskaan xogtiisa la qariyay, isagoo tilmaamay inay ku jirto masaalixda ummadda Soomaaliya, balse wuxuu intaas kusii daray in dhawaan si rasmi ah macluumaad heshiiska loo faafin doono.

Heshiiska oo ay saakay meel mariyeen golaha wasiiradda, ayaa waxaa maanta si wadajir ah u meel mariyay labada aqal ee baarlamaanka.