4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 21, 2024
Golaha wasiirrada oo ansixiyay iskaashi dhinaca difaaca oo ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga

Arbaco, February, 21, 2024 (HOL) - Golaha Wasiirrada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa maanta ansixiyay heshiis lagu tilmaamay inuu yahay mid  taariikhi ah oo ay dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Turkiga.

Heshiiskan ayaa wuxuu ku saabsan yahay iskaashiga dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha.

Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre oo shir guddoomiyay kulan deg-deg ah oo ay isugu yimaadeen Golaha, ayaa ku tilmaamay heshiiskan mid masiiri ah oo dhaxalgal u ah ummadda Soomaaliyeed – isaga oo ka hadlay ahmiyadda heshiiskani u leeyahay dalka.

“Heshiiskani waa mid masiiri ah oo dhaxalgal, waa go’aan Soomaaliya u jeexaya waddo cusub oo aan horey u suurtoobin, waa go’aan Soomaaliya ka saaraya walaal la’aantii, waa go’aan Soomaaliya u sameynaya saaxiib dhab ah oo ay caalamka ku yeelato”. ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in heshiiskani uu soo afjarayo in badda iyo waxa ku jira looga baqo argagixiso, burcad badeed, kalluumeysi sharci darro ah, sun lagu shubo, xadgudub iyo halis kaga timaadda dibedda.” yuu yiri raysal wasaare Xamse.

Heshiiskan ayay dowladdu sheegtay inuu ku saabsan yahay tababarada iyo qalabeynta ciidanka badda Soomaaliya, si ay ula wareegaan difaaca badda.

Heshiiskani waxa uu sidoo kale kordhinayaa wax soo saarka badda iyo dhaqaalaha buluugga ah, sida uu sheegay Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Turkiga isgarab taagga xilliyo muhiim ah oo ay Soomaaliya soo martay iyo maanta oo uu sheegay in lagu soo xadgudbay Qarannimada dalka.