4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 21, 2024
Somaliland oo sheegtay in ka go'antahay in ay hirgaliso is-fahamka ay Itoobiya la gashay
 

Arbaco, February, 21, 2024 (HOL) - Somaliland ayaa sheegtay in ay si buuxda u hirgalinayso isfahamkii ay la gashay dowlada Itoobiya, waxayna ku dooday in uu yahay mid waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland D.R. Ciise Kayd Maxamuud, oo shir-jaraa'id ku qabtay Xafiiska Somaliland ee Itoobiya, ayaa warbaahinta Itoobiya u sheegay in heshiiska Somaliland iyo Itoobiya uu yahay mid barwaaqo u horseedi doona labada dhinac.

"Wafti ahaan waxaanu sharaxaad ka bixinay arragtidayada ku aadan is-fahamka ay Somaliland iyo Itoobiya wadagaleen, kaasi oo aan kali ah waafaqsanayn shuruucda caalamiga ah, lakiin ah mid is badal togan u horseedaya Somaliland iyo Itoobiya, marka ay noqoto dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo amaanka" ayuu yidhi Wasiir Kayd.

Waxa uu sheegay wasiirku in aan la malaysan karin faa'iidada laga dhaxli doono is-fahamka Somaliland iyo Itoobiya, sidaa darteed na ay Somaliland ka go'antahay in ay hirgaliso, isaga oo sheegay in guddi aqoonyahano ah loo xilsaaray.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan magacaabay guddi ka kooban 8 xubnood, oo uu hoggaaminayo Amb. Baashe Cawil, kuwaasi oo ka shaqayn doona sidii is-fahamka loogu badali lahaa heshiis dhab ah.

Marka laga yimaado in ka go'naanshaha Somaliland iyo Itoobiya ee hirgalinta heshiiskan, hadana heshiiskani wuxuu wajahaya cadaadisyo dibulumaasiyadeed, xili badiba ururada caalamiga ah iyo urur goboleedyada sida Mifowga Afrika ay ku baaqeen in la ilaaliyo midnimada Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaa iyaduna aad uga soo horjeedsatay heshiiska, iyada oo sheegtay in Itooobiya ay doonayso in ay qaadato qayb kamid ah dhulka Soomaaliya, sida uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka sheegay shirkii Midowga Afrika iyo munaasibado kale.