4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 21, 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh oo goordhaw hortagi doono labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya
 

Arbaco, February, 21, 2024 (HOL) - Waxaa goordhaw oo maanta ah lagu wadaa in xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho uu ka bilaawdo kulan wadajir ah oo uu isugu yeeray labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya madaxweyne Xasan Sheekh.

Kulankaan oo ah mid aan caadi aheyn oo uu dalbaday madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filaya in madaxweynaha uu kaga hadli doono kulankaan arrimo badan oo xasaasi ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa shaaciyay in madaxweynaha uu kala hadli doono labada gole xaalada guud ee dalka iyo waxyaabaha uga qabsoomay safaradiisii ugu dambeeyay.

Wararku waxay sheegayaan in Madaxweynaha uu inta badan ka hadli doono xiisada dowladda Fedaraalka kala dhaxeyso dalka Itoobiya oo ay ka mid yihiin xad gudubkii Itoobiya ay kula kacday wafdigiisa mudadii ay u joogeen Addis Ababa ka qeygalka shirkii Midowga Afrika iyo arrimaha amaanka iyo difaaca dalka.

Kulankaan deg dega ah ayaa kusoo beegmaya, iyadoo wali ay taagan tahay xiisadii ka dhalatay heshiiskii Addis Ababa ku dhexmaray kowdii bishii Janaayo ee sanadkaan 2024 Itoobiya iyo Somaliland ee la xariiray in Itoobiya ay hesho qeyb ka mid ah dhulka iyo Biyaha Soomaaliya, heshiiskaas oo si weyn uga hortimid dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo inta badan dalalka Caalamka.