4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 21, 2024
Maxkamadda gobolka Banaadir oo maanta bilaabaysa maxkamadaynta nin loo haysto inuu xaaskiisa nolasha ku gubay
 

Arbaco, February, 21, 2024 (HOL) - Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta bilaaabaysa dhegaysiga dacwad ka dhanka ah eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud oo loo haysto inuu nolasha ku gubay xaaskiisa Luul C/casiis Maxamed.

Maydka marxuumadda ayaa weli jira faranjiyeer. Qoyskeeda ayaa diiday inay aasaan illaa caddaaladda la marsiiyo ninkii gubay.

Dhageysiga dacwadda waxaa ka qeyb galaya ehelada labada dhinac, Dadweyne, qareeno iyo xeer ilaaliyeyaal.

Aabbaha Luul Cabdicasiis ayaa dhawaan ka dalbaday dowladda Soomaaliya in eedaysanaha sharciga loo horkeeno, si ay meesha uga baxdo tuhunka ay ka qabaan ee ah in eedeysanaha xabsiga lagu hayo kadibna lasii daayo.

Cabdicasiis waxa uu sheegay in haba yaraatee aysan dhicidoonin inuu wadahadal ama diyo ka qaato dilka gabadhiisa.

Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ahaa seyga marxuumadda ayaa lagu eedeeyay inuu xaaskiisa gubay, kadibna uu baxsaday.

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in si degdeg ah dhegaysiga dacwadda eedeysanaha loo bilaabi doono.