4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 2 , 2024
Wasiirrada dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo kawada hadlay kobcinta dhaqaalaha dalka
 

Jimco, February, 2, 2024 (HOL) - Wasiirrada maaliyadda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa isugu yimid shir fogaan arag ah oo looga arrinsanayay horumarinta hannaanka maaliyadda dalka, kaddib markii Soomaaliya laga cafiyay deymihii lagu lahaa.

Wasiirrada ayaa isku raacay in loo baahan yahay in la keeno qorshayaal cusub oo lagu kobcin karo dhaqaalaha Soomaaliya iyo hannaanka shaqo abuurista dalka.

Wasiiradu waxay sidoo kale wax iska weydiiyeen wajiga cusub ee mashaariicda horumarineed ee dalka.

Bartamihii bishii December, Soomaaliya ayaa  laga cafiyay deymihii lagu lahaa, taasoo ka caawinaysa inuu dalku helo maalgalin cusub si kor loogu qaadayo dhaqaalaha dalka .

Hay’adda lacagta adduunka ee MF ayaa sheegtay in Soomaaliya ay helayso maalgelin dibadeed, si ay u maal gashato meelaha muhiimka ah, sida waxbarashada & shaqo abuurka si loo horumariyo nolosha Soomaalida.