4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 2 , 2024
Qoyska Luul Cabdicasiis oo dalbaday in dowladdu usoo gacan galiso ninka gabadhooda gubay

Jimco, February, 2, 2024 (HOL) - Qoyska Luul Cabdicasiis oo ahayd haweeney uu ninkeeda gubay, taasoo saakay ku geeriyootay magaalada Muqdisho, ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya in loosoo qabto gacan ku dhiig laha gabadhooda nolasha ku gubay.

Waxay sheegeen in ay u baahan yihiin in gacanta loosoo galiyo Sayid Cali Cabdi Xaaji Daa’uud oo ahaa eedeysanaha loo haysto inuu dilay xaaskiisa, si uu caddaaladda u maro.

Qoyska marxuumadda waxay sheegeen in aan la aasidoonin maydka gabadhooda illaa laga keenayo gacan ku dhiig laha.

Waxay sheegeen falka lagula kacay gabadhooda inuu ahay mid ugub ah.

Aabbaha gabadha dhalay wuxuu sheegay madaxweynaha Soomaaliya iyo maamulka gobolka gobolka Banaadir in uu ka doonayo in si degdeg ah loogusoo qabto gacan ku dhiig laha gabadhiisa dilay loona marsiiyo sharciga.

AUN. Luul Cabdicasiis waxay kamid ahayd shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Waxay ahayd hooyo leh uur lix bilood ah markii falkaan loo geysanayay. Waxay sidoo kale ahayd hooyo kaligeed ku ahayd korinta 6 carruur ah oo agoon ah oo ay nin kale u dhashay.