4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 2 , 2024
Nin Xaaskiisa oo Xaamilo ahayd dab qabad siiyay, saakayna ku geeriyootay Magaalada Muqdisho
 

Jimco, February, 2, 2024 (HOL) - Luul Cabdicasiis oo mid ahayd shaqaalaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayaa u geeriyootay dhaawac kasoo gaaray dab uu qabad siiyay seygeeda oo ay dhawaan nolasha ku midoobeen.

Luul ayaa saakay ku geeriyootay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, halkaas oo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay xaaladdeeda caafimaad lagula tacaalayay.

Seygeeda oo falkaan lagu eedeynayo ayaa la sheegay inuu baasiin ku gubay xilli ay ku sugnayd gurigeeda. Lama oga sababta ka dambeysa falkaan, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan inay la xariirto arrimo masayr ah.

Hay’adaha amnigu weli wax war ah kamasoo saarin dhacdadaan oo aad looga hadal hayo magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kale la sheegayo inuu baxsaday seygeeda.

Marxuumadda waxay lahayd uur lix bilood ah markii falkaan loo geysanayay. Waxay sidoo kale ahayd hooyo kaligeed ku ahayd korinta 6 carruur ah oo agoon ah oo nin kale u dhashay.

Ninkan falkaan kula kacay ayay dhawaan is guursadeen, waxayna u lahayd uurkiisii ugu horreeyay sida uu HOL u sheegay mid kamid ah dadka ay shaqo wadaagga ku ahaayeen garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.