4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 2 , 2024
Galmudug oo beenisay in Alshabaab 200 askari ay ku dileen dagaalkii ka dhacay degaanka Caad
 

Jimco, February, 2, 2024 (HOL) - Wasiirka amniga Galmudug Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe ayaa beeniyay in Alshabaab ay 200 askari ku dileen dagaalkii todobaadkii hore ka dhacay degaanka Caad ee gobolka Mudug.

Wasiirka amniga Galmudug ayaa sheegay inay Alshabab adeegsadeen sawirro been abuur ah oo ay internetka kasoo kala degeen si ay u marin habaabiyaan dadka shacabka ah.

Wasiir Gaboobe waxa uu sheegay in khasaaraha ciidamada kasoo gaaray dagaalkaas uu ahaa mid kooban oo u badnaa dhaawacyo isagoo sheegay Alshabaab inay iyagu la kulmeen khasaaraha ugu badan ee kaso gaaray dagaalkaas.

Dhinaca kale, wasiirka amniga Galmudug, ayaa sheegay in saaxiibada caalamiga ah ay xoojiyeen weerarada dhinaca cirka ah ee lala beegsanayo xarumaha Alshabaab ee kuyaala gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Wuxuu sheegay marka la burburiyo kaydadka hubka Alshabaab in ciidanka dowladda uu duullaan dhulka ah ku gali doono degaanada ay hadda ku sugan yihiin Alshabaab.

Wuxuu sheegay in Alshabaab ay haatan usoo firxadeen dhinaca gobolka Mudug, halkaas oo uu sheegay in ay ciidamada isku diyaarinayaan sidii ay usoo afjari lahaayeen.