4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 1 , 2024
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in howlgal lagu burburiyay xarumihii kaydka hubka Alshabaab ee degaanka Jacar
 

Khamiis, February, 1, 2024 (HOL) - Hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Saaxiibada caalamka ayaa laga fuliyay deegaannada Jacar iyo Garab la’ ee gobalka Galgaduud ee Galmudug.

Howlgalkan ayaa lagu burburiyay labo xarun oo ahaa kaydka hubka iyo gaadiidka ee kooxda Alshabaab, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay hay’adda nabad sugidda ee NISA.

Hay’adda NISA ma aysan bixin macluumad intaan ka badan oo ku saabsan inta uu le’eg yahay khasaaraha gaaray kooxda Alshabaab.

Degaanada Jacar iyo Garabla’ waa degaano ay gacanta ku hayaan kooxda Alshabaab, waxayna hoos tagaan degmada Ceelbuur oo ah fariisinka ugu weyn ee Alshabaab.

Shalay, hay’adda NISA ayaa sheegtay in howlgal laga fuliyay degaanka Buq-aqable lagu dilay lix horjooge oo katirsanaa kooxda Alshabaab, kuwaas oo dadka ka qaadi jiray lacago baad ah.

Sidoo kale, NISA waxay sheegtay inay hawada ka saartay 14 shabakadood oo internetka ah iyo akoono whatsapp ah oo ay Alshabab ku faafin jireen wararkooda dacaayadda ah.