4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 1 , 2024
Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika
 

Khamiis, February, 1, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in burcad hubeysan ay ku dhex dileen goobtiisa ganacsi Muwaadin Soomaaliyeed oo caan ka ahaa magaalada Cape town ee dalkaas.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Alle ha u naxariistee Maxamed Axmed Maxamuud oo loo yaqiinay Maxamed Adeeroow, kaasoo ahaa nin la dhalinyaro ah oo aad u firfircoona.

Burcada Koonfur Afrikaanka ayaa dilka marxuumka kadib si deg deg ah uga baxsatay goobta, waxaana saacado kadib goobta gaaray Booliska Koonfur Afrika oo sameeyay baaritaano aysan kasoo bixin wax natiijo ah.

Si kastaba ha ahaatee dilka Muwaadinkaan Soomaaliyeed ayaa kusoo beegmay, xili uu qorsheeynayay inuu dalka dib uu ugu soo laabto, sida ay inoo sheegeen xubno ka mid ah ehelada Marxuumka la dilay.

Dalka Koonfur Afrika waxaa mar walba lagu dila muwaadiniin soomaali ah oo dalkaas u ganacsi tagay, mana jirto ilaa hada cid Maxkamad loo soo taagay dilalka loogu geysto dalkaas muwaadiniinta Soomaaliyeed.