4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 1 , 2024
NISA oo shaacisay in si rasmi ah hawada uga saartay Website-yadii ugu waa weyna ee kooxda Al-shabaab
 

Khamiis, February, 1, 2024 (HOL) - Hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa soo bandhigtay ku dhawaad 20 Website oo ay sheegtay iney ka xirtay kooxda Al-shabaab.

Website-yada NISA ay soo bandhigtay ayaa ah kuwii ugu waa weyna oo ay kooxda Al-shabaab ku faafin jirtay wararkeeda oo laga daalacan karay kaliya dhanka Dibadda, maadama gudaha dalka mar hore laga xiray.

War qoraal ah oo kasoo baxay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in si rasmi ah hawada looga saaray 14 Website oo laga heli jiray macluumaadka kooxda, islamarkaana laga dhageysan jiray qaarkood Idaacadda ku hadasha afka kooxdaas.

“Howlgalkaan oo isugu jiray uruurinta mareegaha, baaritaankooda, helidda magacyada milkiilayaasha ku diiwaangashan iyo ugu dambeyntii xiritaankooda ayaa socday bilihii lasoo dhaafay, waxaana lagu guuleystay in hawada laga saaro barahaan oo la diiwaan geliyey sanado kala duwan,” ayaa lagu yiri warka NISA.

Dowladda Fedaraalka waxay horey gudaha Soomaaliya uga xirtay in laga daalacdo Website-yada Al-shabaab, iyadoona haatan ku guuleysatay in Website-yadaas aanan laga akhrisan karin guud ahaan dalalka Caalamka.

Hoos ka akhriso qoraalka Hay'adda NISA:-