Ku dhawaad 30 xubnood oo kooxda Al-shabaab looga dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

 

Talaado, December, 3, 2024 (HOL) - Warsaxafadeed kasoo baxay hay'adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa lagu faahfaahiyay howlgal lagu dilay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe.

newsinsideHowlgalkaan oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidanka NISA iyo kuwa xoogga dalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Yaaqle, waxaana lagu dilay 27 xubnood oo ka tirsana kooxda Al-shabaab.

Warsaxafadeedka NISA ayaa lagu faray dadka shacabka ah iney ka fogaadaan goobaha ay joogaan kooxda Al-shabaab ee bartilmaameedka u ah ciidanka dowladda Soomaaliya.

Ciidamada NISA iyo kuwa xoogga dalka ayaa maalmahii ugu dambeeyay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ka waday howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ee wali ku sugan qeybo ka mid gobolkaas.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka kasoo baxay NISA oo dhameystiran:-