10/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 31, 2024
Jabuuti oo sheegtay inay marin biyood siinayso Itoobiya si loo xalliyo xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya
 

Sabti, Agoosto, 31, 2024 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa soo bandhigay hindise ay dowladda Jabuuti doonayso in lagu xaliyo khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Isagoo wareysi siinayay BBC, ayuu wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti soo jeedisay in Itoobiya loo ogolaado inay gasho badda iyada oo sii mareysa Jabuuti, islamarkaasna ay si buuxda u hesho xuquuqaha maamulka dekedda Tadjoura, iyo sidoo kale in laga faa'iidaysto waddo cusub oo horay loo dhisay oo aadda dhanka Dekedda Tadjoura, oo ku taal qiyaastii 100 kiiloomitir xadka Itoobiya.

"Qaabkan ayaa si wax ku ool ah u xallin doona walaac kasta oo la xiriira gelitaanka Itoobiya ee badda," ayuu yiri Youssouf.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in xalka la soo jeediyay uu yahay mid loogu talagalay in lagu fududeeyo marin badeed ay si fudud ku hesho Itoobiya.

Hindisahan ayaa lagu wadaa in looga hadlo shir madaxeedka Shiinaha iyo madaxda Afrika ee todobaadka soo socda, iyadoo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu fursad u heli doono inuu qorshahan horgeeyo madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay u leedahay  helitaanka badda ay weli tahay arrin muhiim u ah Itoobiya oo ah dal ay ku nool yihiin 110 milyan qof.