5/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 29, 2024
In ka badan 300 oo neef oo Biriq ku dishay gobolka Hiiraan
 

Isniin, April, 29, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya tuulada Teedaan oo ka mid ah tuulooyinka hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi biriq ay ku dishay Xoolo aad u farabadan, kadib roobab saacado badan ka da'ay Tuuladaas.

Biriqda ayaa dishay in ka badan 300 oo neef oo dhamaantood ahaa Ari, kuwaas oo la tilmaamay iney ku xareysnaayeen hal xero xiliga ay biriqdu haleeshay.

Cali Cabdi Aamin oo loo yaqaano Cali Afeey oo ah shaqsiga biriqdu ka laaysay Xoolaha ayaa warbaahinta u sheegay in dhamaan Xoolahiisii uusan uga badbaadin hal neef.

"Tiro 300 oo neef oo ah ari ah ayay ahayeen Xoolaha Biriqda iga dishay waxay ku jireen hal xero oo waxan qorsheyneynay inaan tuuloyin kale u roob raacno madama Jiilaal aan kasoo baxnay, xili sagaal saac habeenimo ah ayu roobka nagu bilawday kadibna Biriqda ayaa xigtay oo ku dhacday xeradii Xoolaha ku jireen saas ayayna ku wada baqtiyeen" ayuu yiri
Cali Afeey.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Xoolaha biriqdu laaysay iney ku noolaayeen sadax qoys oo tiro ahaan gaaraya 40 ruux, haatana aysan jirin wax ay haystaan.

"Xoolaha dhamaaday waxaa ku noola 2 reer oo aniga ah iyo wiilkeyga oo reer ah, ma laheyn Xoolo kale oo an aheyn Ariga, Geel iyo Lo' midna ma laheyn Ariga ayaan ku nooleyn hadana wuu na dhaafay dhamaantiis" ayuu yiri Cali Cabdi Aamin Cali Afeey.

Si kastaba ha ahaatee biriqdaan Xoolaha leysay ayaa kusoo aadeysa, iyadoo guud ahaan dalka ay ka curteen roobabka Guga, islamarkaana dowladda Fedaraalka ay ka digtay daadad ka dhalan kara roobabka curtay.