5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 22, 2024
Soomaaliya oo aqoon kororsi dibadda ah u dirtay ku dhawaad 100 sarkaal oo katirsan ciidanka Booliiska
 

Isniin, April, 22, 2024 (HOL) - Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa sagootiyay ku dhawaad 100 sarkaal oo katirsan saraakiisha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, kuwaas oo tababaro aqoonsi kororsi ah kusoo qaadanaya  dalal kuyaala Afrika, Aasiya iyo Yurub.

Taliyaha Qorsheynta iyo Tababarada ee Ciidanka Booliska Axmed Maxamed Axmed ayaa sheegay, in 84 Sarkaal dowladda Soomaaliya ay u dirayso dalalka Shiinaha, Seerbiya iyo Masar, isagoo sheegay inay tahay tiradii ugu badnayd ee ciidan booliis ah oo loo dirayo dalka dibadiisa.

“20 ka mid ah saraakiisha waxaan u diraynaa Shiinaha, 25 ka mid ah waxa aanu u diraynaa dalka Serbia, halka aanu Masar u dirayno 24 sarkaal iyo 15 tababarayaal ciidan oo soo qaadanaya tababaro ku saabsan dambi-baadhista iyo maamulka.” Ayuu yiri Axmed Maxamed Axmed.

Wuxuu sheegay in haatan 101 askari haatan ay dibadda ugu maqan yihiin tababaro aqoon kororsi ah.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Sulub Axmed Firin ayaa kula dar saraakiisha booliiska ee tababarka loo diray in ay si wanaagsan u uga faaidaystaan aqoon kororsiga ay dowladdu u dirtay.