5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 21, 2024
Madaxweynaha Somaliland oo cayimay wakhtiga doorashooyinka madaxtooyada iyo xisbiyada
 

Axad, April, 21, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku dhawaaqay in doorashooyinka madaxtooyada iyo axsaabta siyaasadu ay qabsoomi doonaan 13, November, 2024.

Digreeto uu ku saxeexanyahay Madaxweynaha Somaliland oo kasoo baxday madaxtooyada, ayaa lagu cayimay maalinta rasmiga ah ee ay qabsoomayaan doorashooyinka madaxtooyada iyo axsaabta.

"In doorashada madaxweynaha, ku-xigeenka madaxweynaha iyo doorashada tooska ah ee asxaabta qaranka la-wada qabto 13-ka bisha November ee sannadkan 2024-ka" ayaa lagu yidhi digreetada.

Digreetada madaxtooyada ayaa daba socota digreeto ay guddiga doorashooyinku shalay si rasmi ah ugu cayimeen maalinta ay qabsoomyaan doorashooyinku, taasii oo uu madaxwaynuhu faafin rasmi ah ku sameeyay.

Kadib muddo 2 sanno ah oo uu taagnaa buuqsiyaasadeed hada waxa muuqata in heshiis lagu yahay xiliga ay qabsoomayaan doorashooyinku.