5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 21, 2024
SSC Khaatumo oo ugu baaqday hay'addaha ka shaqeeya deegaanadeeda in ay is diwaangaliyaan
 

Axad, April, 21, 2024 (HOL) - Wasaraadda Qorsheynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ee SSC-Khaatumo (MoPDIC) ayaa digniin u dirtay Hay’adaha Kala duwan ee ka howl galaya  deegaanada SSC-Khaatumo, ee aan diiwaan gashnayn.

Bayaan ay soo saartay Wasaaraddu waxay ku xustay in ugu dambayn bishan April 30th, 2024 ay Is diiwaan geliyaan dhammaan Hay’aduhu.

"Hay’adaha NGO ka hawl gala deegaanada SSC-Khaatumo ee aan wali is diiwaan galin, waxa ay la kulmi doonaan ciqaab, iyo ganaax iyo qaraamo kala duwan leh" ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay wasaarada.

Sidoo kale waxa lagu sheegay qoraalka in  iyada oo kaashanaysa Hayadda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka ee SSCKH, MoPDIC waxay Soo diyaarisay qiimayntii ugu horaysay ee colaada kadib ee si rasmi ah uga soo baxa deegaanada SSCKH, kaas oo ka warramaya baahiyaha iyo soo jeedinta habkii loo xallin lahaa caqabadahaas.

Ugu dambayntii, waxa lagu sheegay in Wassaaradda Qorshaynta SSC-Khaatumo iyo Wasaaradda Qorshaynta ee Federaalka Soomaaliyeed ay yeesheen xidhiidh wada shaqayneed oo baahsan gaar ahaan ka qaybgalka diyaarinta Qorshaha Horumarinta Soomaaliya.