5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 19, 2024
Madaxweynaha Galmudug oo balan qaad muhiim ah u sameeyay dadka dagan dhulka dab damiska
 

Jimco, April, 19, 2024 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa Galabta hoyga uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho ku qaabilay guddi odayaal ah oo ka socday dadka dagan dhulka xerada dab damiska oo dowlada Fedaraalka amartay in laga guuro.

Odayaashaan ayaa cabasho ka ahaa amarka ay duldhigtay dowladda Soomaaliya ee la xariiray iney isaga guuraan dhulka dab damiska oo ay dowladdu u baahan tahay.

Madaxweyne Qoor qoor ayaa odayaasha ka socday dadka degan dab damiska u balan qaaday in berito oo ku beegan waqtiga ay ku eg tahay mudadii dowlada u qabatay ineysan cidna u imaan doonin oo ay sii dagananayaan guryahooda.

“Berri waa sii deganaan doontaan halkaan cid idiin imaaneysana ma jirto anigaa la hadlaya madaxda sare ee dowladda, Booliska iyo hey’adaha kale ee amniga sida wasaaradda amniga, marka is dejiya, cid awood idin ku rari karta ma jirto” ayuu yiri madaxweyne Qoorqoor.

Qoor qoor ayaa ka dalbaday dadka dagan dhulka dab damiska in dhankooda ay is dajiyaan oo ay joojiyaan wax kasta oo keeni kara dhibaato, wuxuuna faray odayaasha iney iska soo saaraan guddi kooban oo uu la kulan siinayo madaxda sare iyo kuwa amniga si ay ugala hadlaan tabashadooda.

Arrimahaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo mudadii ay dowladda Fedaraalka u qabatay dadka dagan xerada dab damiska iney ku guuraan ay ku beegan tahay maalinta berito ah, islamarkaana dadka dhulkas dagan ay sheegeen ineysan ka guuri doonin dhulkaas oo ay ka xigaan dhimasho.