5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 19, 2024
Somaliland: Saddex caruura oo walaalo ah oo ku dhintay daad qaaday
 

Jimco, April, 19, 2024 (HOL) - Saddex caruura oo walaalo ah ayaa geeriyooday kadib markii uu daad ku qaaday deegaanka Xididaley ee Gobolka Saaxil ee Somaliland.

Geerida caruurta ayaa timid ka dib markii uu qaaday daad xoogan oo ka dhashay  roobabka gu’ga oo ka curtey deegaanadaas, caruurta dhimatay ayaa iskugu jira 2 hablood iyo hal wiil, oo qoys kasoo wada jeeda.

"Reer dhan ayuu roobku qaaday caruurtii iyo adhigiiba, odayga iyo islaantuna way ka maqnaayeen ayaa la yidhi, waxa uu qaaday 4 caruura, markaa inan wuu noolyaha oo daadka waa laga reebay, 2 hablood iyo inana way dhinteen" waxa sida Warbaahinta Xukuumada u sheegay masuul ka tirsan maamulka gobolka Saaxil.

Waxa uu sheegay in caruurta daadku qaaday ay ahaayeen xoolo dhaqato reer guuraa ah oo goobtan oo naq helay kasoo raadsaday daaq iyo biyo kadib markii ay ka da'een roobabab, waxa uu xusay in reerku ay dageen goob biyo mareen ah.

Waxa uu inta ku daray in roobku uu da'ay saq dhexe, isla markaana ay caruurtu hurdeen xiliga uu daadka qaaday, taasina ay keentay in uu daadku uu ka dul boodo madaama oo ay ahaayeen reer guuraa aan haysan sariiro iyo guryo fiican toona.

Caruurta geeriyootay ayaa galabta lagu aasay deegaankii uu daadku ku qaaday, waana khasaarihii ugu waynaa ee ilaa hada ay gaystaan roobabka gu'ga ee ka curtay Somaliland.