5/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 18, 2024
UK oo kordhisay taageerada ciidamada amniga Soomaaliya oo ay ku bixinayso 2.75 milyan oo gini
 

Khamiis, April, 18, 2024 (HOL) - Boqortooyada Ingiriiska ayaa ku yaboohday lacag dhan 2.75 Milyan oo Giniga Istarliinka ah si loogu xoojiyo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab.

Maalgelintan, oo loo soo marinayo Sanduuqa Trust ee Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), ayaa bixin doona agabyada raashiinka, qalabka isgaarsiinta, iyo teendhooyinka.

Dhaqaalahan ayaa sidoo kale lagu taageeri doonaa daad-gureynta sahayda caafimaadka iyo dadaallada lagu dhisayo awoodda ciidamada, iyadoo ujeeddadeedu tahay in kor loo qaado waxtarka hawlgal ee ciidamada Soomaaliya.

Qayb ka mid ah dhaqaalaha ayaa loo isticmaali doonaa in lagu qalabeeyo ciidamada Soomaaliya, sida isku dubaridka howlgallada ka dhanka ah Al_Shabaab.

Dr. Aisa Kirabo Kacyira, Madaxa UNSOS, ayaa uga mahad celisay UK taageerada joogtada ah, iyadoo ku nuuxnuuxsatay sida ay uga go'an tahay xoojinta taageerada saadka iyo tayeynta ciidamada Soomaaliya.

Taageeradan ayaa kusoo beegantay iyadoo sidoo kale Midowga Yurub uu ansixiyay $116.9m si kor loogu qaado ammaanka Soomaaliya.