4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 16, 2024
Turkiga oo sheegay inuu si degdeg u bilaabayo tababarkii uu siin jiray ciidamada Haramacad
 

Talaado, April, 16, 2024 (HOL) - Turkiga ayaa sheegay inuu si degdeg ah u bilaabayo tababarka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan booliiska gaarka ah ee Haramacad.

Madaxa arrimaha dibadda ee ciidanka booliiska dalka Turkiga Muqdisho oo maanta Muqdisho soo gaaray, ayaa sheegay Madaxweynaha Turkiga inuu si gaar ah u garab taagan yahay Soomaaliya.

Sarkaalkan ka socday Booliiska Turkiga ayaa sheegay safarka uu ku yimid Muqdisho inuu ku saabsan sidii loo dardar galin lahaa dib u bilaabidda tababarka ciidamada Haramcad. isagoo intaas ku daray in ay howl weyn ka qabanayaan Soomaaliya.

Safarkiisa ayaa kusoo aaday, iyadoo Dowladda  Soomaaliya ay Turkiga u dirayso cutubyo cusub oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dowladda Turkiga ayaa in ka badan 6,000 oo askari u tababartay Soomaaliya, waxaana ka mid ah ciidamada gaarka ah ee Haramacad iyo Gorgor.