4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 16, 2024
Ethiopia oo maraakiib waaweyn kasoo iibsanaysa Shiinaha
 

Talaado, April, 16, 2024 (HOL) - Shirkadda adeegga maraakiibta iyo saadka ee Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay wadahadal la yeelatay shirkadaha Shiinaha ee dhisa maraakiibta, si ay u soo iibsadaan maraakiibta waaweyn.

Ethiopia ayaa sheegtay inay doonayso in ay balaariso waaxdeeda gaadiidka badda, si ay kor ugu qaado dhoofinta iyo dhaq-dhaqaaqa dhaqaale ee dalkeeda.

Wakiillo ka socda shirkadda maraakiibta dawladda Ethiopia ayaa wadahadal la yeeshay shirkadaha maraakiibta ee fadhigoodu yahay dalka Shiinaha.

Dhawaan, dowladda Ethiopia ayaa tababar usoo xirtay cutubyo kamid ah ciidamadeeda badda, kuwaas oo ay doonayso in ay qeyb ka noqdaan qorshaheeda ay ku galayso badda cas.

Si kastaba ha ahaatee, Ethiopia ayaa bishii January ee sanadkan heshiis dhinaca badda ah la gashay Somaliland, iyadoo doonaysa inay deked ganacsi iyo saldhig militari ka sameysato  biyaha Soomaaliya.

Ethiopia waxay sheegtay inay ka go'an tahay dhaqan galinta heshiiska badda, inkastoo dowladda Soomaaliya ay si adag uga hortimid heshiiskaas.