4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 16, 2024
Burcad badeeddii haystay markabka MV Abdullah oo xaqiijiyay inay qaateen $5 million oo madax furasho ah
 

Talaado, April, 16, 2024 (HOL) - Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa sii daayay markab ay afduubteen oo lagu magacaabo MV Abdullah, kadib markii laga qaatay lacag madax furasho ah oo gaareysa 5 milyan oo dollar, sida ay sheegeen labo kamid ah burcad badeedda markabkaas haysatay.

“Laba habeen ka hor ayaa lacagta naloo keenay sidii caadada ahayd, waxaan hubinay in lacagtaasi ay tahay mid been abuur ah iyo in kale, kadibna lacagta ayaan u qeybsanay koox kooxo, kadib waan baxnay anagoo ka fogaanay ciidamada dowladda”ayuu yiri C/rashiid Yuusuf oo ka mid ah kooxaha burcad badeeda ah. Reuters.

Muuqaal lasoo galiyay baraha bulshada ayaa lagu arkayay diyaarad yar oo boorso ku tuuraysa meel ku dhow markabka ay burcad badeedda haysteen. Waxaa la sheegay inay ahayd boorsada ay ku jirtay lacagta madax furashada ee ay burcad badeeddu dalbadeen.

Markabka MV Abdullah, oo ah nooca xamuulka qaada oo ka babanayay calanka Bangladesh, ayaa la afduubtay bishii Maarso ee sanadkan, isagoo ka yimid Mozambique kuna socday Imaaraadka Carabta.

Afduubka markabka ayaa ka dhacay meel qiyaastii 600 mayl-badeed bari ka xigta caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa raadinaya burcad badeeeddan, oo la sheegay iny ku dhuumaalaysanayaan deegaanaha xeebaha, ka dib markii ay ka dageen markabka MV Abdullah.