4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 15, 2024
Maamulka Puntland oo difaacay xiriirka uu la leeyahay dalka Ethiopia
 

Isniin, April, 15, 2024 (HOL) - Puntland ayaa difaacday xiriirka ay la leedahay dowladda Ethiopia, iyadoo tilmaamtay in dowladda Federaalka Soomaaliya aanay awood u lahayn inay ka hor istaagto cilaaqaadka ay la sameysanayaan dalalka deriska sida Ethiopia.

Wasiirka warfaafinta Puntland oo saxaafadda kula hadlayay Garowe, ayaa sidaasi sheegay, isagoo xusay in dastuurka federaalka iyo midka Puntland uu u ogolaanayo reer Puntland inay danahooda u madax bannaan yihiin inta Soomaaliya ka yeelanayso dowlad federaal ah oo loo siman yahay.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda dhaqaale ee xiriirka Itoobiya, isagoo sheegay in ganacsiga Puntland uu si weyn ugu tiirsan yahay xiriirka ay la leedahay dalka Ethiopia.

Caydiid wuxuu sheegay, Puntland inay ku baaqayso in gogol la isugu yimaado oo laga wada hadlo dowladnimada Soomaaliya, isagoo sheegay in dalku uusan ku dhaqmi Karin dastuur la beddelay iyo awaamiir Xamar lagasoo yeeriyo.

Tan iyo markii baarlamaanka labadiisa aqal uu meel mariyay wax ka beddelka dastuurka Soomaaliya, Puntland ayaa si adag uga hortimid, iyadoo qaadday tallaabooyin ay kamid yihiin inay kalsoonidii kala noqday dowladda federaalka.