4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 15, 2024
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Hiiraan
 

Isniin, April, 15, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan galinkii dambe ee Shalay ku dhexmaray inta u dhaxeysa magaalooyinka Buulaburte iyo Halgan ee gobolka ciidamada difaaca deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda iyo kuwa kooxda Al-shabaab.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay buurta lagu magacaabo Wareertire oo u dhaxeysa degmooyinka Halgan iyo Buula burte, kadib markii halkaasi oo ay isku aruursanayeen xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen ciidanka difaaca deegaanka.

Weerarka halkaas ku dhexmaray labada dhinac ayaa la sheegay inuu socday ku dhawaad 2 saacadood oo xiriir ah oo ay labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Sarkaal ka tirsan ciidanka difaaca deegaanka oo la hadlay Shabakada HOL ayaa inoo sheegay in weerarka ay ku dileen 5 ka mid xubnaha Al-shabaab, islamarkaana dhankooda uu kaga dhintay hal ruux.

Dagaalkaan ka dhacay buurta wareertire ayaa kusoo beegmaya, iyadoo habeen hore diyaaradaha dagaalka saxiibada Caalamka ay duqeymo culus oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab ka geysteen deegaanka Jicibow oo qiyaas ahaan 25 KM u jira degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan.