4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 14, 2024
Midowga Afrika oo ka walaacsan howlgalka cusub ee Soomaaliya ay doonayso in lagu beddelo ATMIS
 

Axad, April, 14, 2024 (HOL) - Midowga Afrika ayaa walaac ka muujinaya suurtagalnimada howlgalka cusub ee sugaya ammaanka Soomaaliya -kadib markii ay baxaan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS dhamaadka sanadkan.

War qoraal ah oo kasoo baxay Midowga Afrika ayaa walaac looga muujiyay taageero la’aanta howlgalka ATMIS iyo ku degdega qorshaha howlgal cusub, taasoo uu sheegay in ay meesha ka saari karto guulihii 17k-kii sano ee lasoo dhaafay laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab.

Midowga Afrika wuxuu sheegay inuu qiimaynayo qaabka iyo baaxadda ay yeelanayaan ciidamadan cusub oo aan weli dowladda Soomaaliya aysan soo gudbin qorshahooda ka hor inta aan la gaarin dhammaadka howlgalka ATMIS.

Qorshaha Soomaaliya ee ah in la aas aaso howlgal cusub oo badala howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (Atmis), ayaa la soo gudbin doono bisha soo socota.

Midowga Afrika ayaa laga sugayaa inuu sameeyo daraasad dhameystiran oo ku saabsan khataraha iyo baahiyaha ka hor inta aan la raadin taageerada Golaha Ammaanka.