4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 14, 2024
Diyaarado dagaal oo duqeymo culus ka gestay gobolka Hiiraan
 

Axad, April, 14, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Xalay duqeymo diyaaradeed ay ka dhaceen deegaanka Jiciboow oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan.

Duqeynta ayaa la sheegay iney geysteen diyaaradaha dagaalka saaxiibada Caalamka oo kaashanaya ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya, taasoo la beegsaday goobo ay isku aruursanayeen xubno ka tirsan kooxda.

Weerarkaan duqeynta ah ayaa la ogeyn ilaa hada khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Fedaraalka iyo saaxiibada caalamka oo ku aadan khasaaraha ka dhashay duqeynta Xalay ka dhacday Jiciboow.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka oo kaashanaya saaxiibada Caalamka ay weerar cir iyo dhul ahaa ka geysteen deegaanada kala ah Jiciboow iyo Helabanaan oo degmada Buula burte qiyaas ahaan u jira 25 KM, waxaana la tilmaamay in weerarkaas lagu dilay xubno badan oo ka tirsanaa kooxda Al-shabaab.

Gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah deegaanada ay sida wayn uga dhacaan howlgalada lagula dagaalamayo Al-shabaab, waxaana xusid mudan in gobolka Hiiraan uu yahay gobolkii ugu horeeyay ee uu kasoo biloowday kacdoonka ka dhanka ah Al-shabaab ee haatan ka socda inta badan gobolada dalka.