4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 13, 2024
Kulan dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Shariif Sheikh Axmed oo natiijo la'aan kusoo dhamaaday
 

Sabti, April, 13, 2024 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheikh Axmed ayaa sheegay in uusan wax natiijo ah kasoo bixin kulan magaalada Nayroobi ku dhexmaray isaga  iyo madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.

Qoraal uu soo saaray madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed, ayaa wuxuu sheegay in isaga madaxweyne Xasan Sheikh ay ku heshiin waayeen qodobadii ay ka doodeen.

Shariifku wuxuu sheegay in ay ka wada hadlayeen qodobo ay kamid yihiin, arrimaha dastuurka, arrimaha siyaasada iyo khilaafka dowladda federaalka iyo mamulka Puntland.

Wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in khilaafka lagu xallin karo wada hadal iyo isqancin, isagoo sheegay inuu dalku marayo marxalad siyaasadeed oo adag.

Ma ahan markii ugu horraysay oo Shariif iyo Xasan Sheikh kulmaan, iskuna afgaran waayaan sidii loo xal looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira.