4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 12, 2024
Dowladda Soomaaliya oo beenisay in madaxda Soomaaliya iyo Kenya ay kawada hadleen heshiis ku saabsan badda
 

Jimco, April, 12, 2024 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay in kulankii dhexmaray madaxweyne Xasan Sheikh iyo dhiggiisa madaxweynaha Kenya Willian Ruto lagusoo hadal qaaday heshiis arrimaha badda ah.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay warka kasoo baxay wakaaladda wararka ee Reuters inuu yahay war been abuur ah, iyadoo dowladdu sheegtay inuusan jirin haba yaraatee wax heshiis oo ay Soomaaliya iyo Kenya kawada hadleen.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay caddeyneysaa in qodobkaasi aanu marnaba ka mid ahayn ajendaha kulanka labada Madaxweyne dhex marey. Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an ilaalinta qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.” Ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, xoghayaha arrimaha dibbada Kenya, Korir Sing'oei, ayaa Reuters u sheegay in Kenya ay soo jeedisay iyadoo la tashanaysa Jabuuti iyo urur goboleedka IGAD, heshiis tilmaamaya in Ethiopia deked ganacsi ka sameysato biyaha Soomaaliya, iyadoo aan lagu xadgudbayn madax bannaanida Soomaaliya.

Soo jeedinta heshiiskaan ayaa lagusoo beegay safarka madaxweyne Xasan Sheikh uu ku tagay dalka Kenya.