4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 12, 2024
Soo laabashada burcad badeedda Soomaalida oo walaac weyn ku abuuray qulqulka badeecadaha xorta ah

Jimco, April, 12, 2024 (HOL) - Guud ahaan 33 dhacdo oo burcad badeed oo loo geystay maraakiibta ganacsiga, ayaa laga diiwaan galiyay caalamka sadexdii bilood ee ugu horeysay sanadkan 2024, taasoo ka badan 27 dhacdo oo isku mid ah isla mudadaas 2023, sida uu sheegay xafiiska badaha caalamiga ah (ICC).

Xoghayaha guud ee ICC John Denton ayaa yiri,” Dib u soo noqoshada dhaq-dhaqaaqa burcad-badeedda Soomaalida waa mid welwel leh. Waxaa muhiim ah in la ilaaliyo ganacsiga, la ilaaliyo waddooyinka, iyo badqabka badmaaxiinta. Waa in la qaado dhammaan tillaabooyinka lagu hubinayo qulqulka xorta ah ee badeecadaha.

Soo laabashada burcad badeedda Soomaalida ayaa ku soo aadeysa xilli Xuutiyiinta Yemen ay sidoo kale rasaas ku furaan maraakiibta ganacsiga, iyadoo lixdii bilood ee la soo dhaafay la bartilmaameedsaday ku dhawaad 80 markab.

Sidoo kale, qiimaha ilaalada gaarka ah ee maraakiibta, ayaa kor u kacay sanadkan, sida laga soo xigtay rugta caalamiga ah ee ganacsiga isaga kala goosha badaha adduunka.

Khubarada ku taqasusay amniga ee fadhigoodu yahay magaalada London ee la yiraahdo Subrosa Group, ayaa bilaabay qayb cusub oo amniga badda ah, si looga jawaabo baahida muhiimka ah ee ilaalinta maraakiibta waaweyn ee mara biyaha khatarta ah ee adduunka oo dhan.