4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 11, 2024
Booliiska Soomaaliya oo shaaciyay ineysan jirin khatar amni oo ka jirta Muqdisho
 

Khamiis, April, 11, 2024 (HOL) - Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay ciidamo aad u fara badan oo saacadahii ugu dambeeyay si weyn loogu arkaayay inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho, kadib digniintii amni ee ee kasoo baxday Safaaradda Mareykanka.

Wuxuu sheegay Afhayeenka in ciidankaasi ay isugu jiraan qeybaha kala duwan ee ciidanka qalabka sida, islamarkaana ay ku howlan yihiin xaqiijinta amniga Caasimadda iyo badqabka dadka Soomaaliyeed oo ku guda jira dabaal daga maalmaha farxada Ciidan Soonfureed.

Afhayeenka Cabdifataax Aadan ayaa sidoo kale sheegay iney jirin wax khatar amni ah oo dhanka dowladda Fedaraalka ay ogtahay oo Muqdisho ka jira, isagoona xusay in amniga Muqdisho uu haatan yahay mid aad u wanaagsan.

"Majirto wax khatar amni ah oo aan hayno ka dowlad ahaan, ciidamada badan ee magaalada lagu daadiyay waa kuwa sugaya amaanka dadka Soomaaliyeed ee u dabaal degaya faraxada Ciidul Fitriga, culeys kale ma jiro, xaq ayayna u leeyihiin dadka Soomaaliyeed maalmaha farxada in la xaqiijiyo iney si farxad leh u damaashadaan" ayuu yiri Afhayeen Cabdifataax Aadan Xasan.

Hadalkaan kasoo yeeray Afhayeenka Booliska Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya 48 saac kadib markii Safaaradda Maraykanka  ay shaacisay xog ku saabsan halis amni oo ku aaddan in weeraro ka dhici karaan dhowr goobood oo ku yaala Muqdisho oo ay ka mid yihiin garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde iyo Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.