4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 11, 2024
ATMIS oo sheegtay inay ka go'an tahay la shaqaynta DFS xilli Soomaaliya ay doonayso howlgal cusub
 

Khamiis, April, 11, 2024 (HOL) - Howlgalka kumeel gaarka ah ee nabad ilaalinta Soomaaliya (ATMIS), ayaa sheegay inuu wadi doono wada shaqeynta Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dhammaan bahwadaagta si loogu guuleysto xilliga kala guurka ah amni ee dalka.

War saxaafadeed kasoo baxay ATMIS ayaa lagu sheegay, in ay ka go’an tahay sidii loo xaqiijin lahaa nabad waarta, amni, iyo barwaaqo ka dhacda Soomaaliya, iyagoo sheegay in ciidamada ATMIS ay  naf hurnimo u sameeyaan nabadda Soomaaliya.

ATMIS ayaa dhawaan dalka ka saartay 5,000 askari oo katirsanaa ciidamadooda ku sugan Soomaaliya, iyagoo sheegay inay u diyaar garoobayaan marxaladda kala-guurka Soomaaliya, si amniga loogu wareejiyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Howgalka ayaa 13 xarumood oo ciidan ku wareejiyay ciidamada nabad sugidda Soomaaliya, taasoo qeybka ah fulinta qaraarka golaha Ammaanka ee sheegaya in si tartartiib ah howlaha amniga loogu wareejiyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Wakiilka Midowga Afrika ahna madaxa ATMIS Mohammed El-Amine Souef, ayaa sheegay in bisha December ee sanadkan si rasmi ah loosoo gabagabeynayo howlgalka ATMIS, isagoo sheegay inta waqtigaas laga gaarayo in ay ka go’an tahay in ay sii labo jibbaaraan howlgallada amni ee Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Soomaaliya ayaa doonaysa in la abuuro howlgal cusub oo uu hormuud u noqdo Midowga afrika, sidoo kalena taageero ka haysta Qaramada Midoobay.

Dowladdu waxay doonaysaa in howlgalka cusub uu noqdo mid ka qeyb qaata dagaalada ay dowladdu doonayso in dalka looga xoreeyo kooxda Alshabaab.