4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 10, 2024
Madaxweyne Biixi: Wasiirkii shalay Gini xidhiidhka u jaray ayaa maanta leh Xamar waan ka go'ay
 

Arbaco, April, 10, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa dowlada Soomaaliya ku eedeeyay cadaawad ay kaga soo horjeedo madaxbannaanida Somaliland.

Madaxweynaha oo la hadlay qaar kamid ah shacabka Hargaysa kadib salaadii ciida, ayaa dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay Al Shabaab ka doorbido Somaliland iyo dowladnimadeeda.

"Xamar dadka jooga waxay ku leeyihiin, anaga Shabaabka na qarxihaya ayaa nooga dhow Somaliland oo la ictiraafo, hada waa walaalkay, waakii aan wax u geeyay, waakii aan sharfay, waana ka aan leeyahay walaal aynu kala garbaxno" ayuu yidhi  Madaxweyne Biixi.

Waxa uu dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay xidhiidhka u jarto waddankasta oo cilaaqaad fiican la yeesha Hargaysa, isaga oo sheegay in taasi anay ahayn wax u qurux badan dad walaalo ah.

"Wasiirkii shalay Gini xidhiidhka u jaray ee waliba sida wayn u faahfaahiyay, ayaa maanta ku leh Xamar waan ka go'ay oo meesha waxa lagu hayaaba waa qalad, markhaatiga ka wayn waa ayo" ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Waxa uu sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya midoobeen iyaga oo laba dowladooda Soomaalidii kalena ay noqdeen qaar gaar isu taaga iyo qaar dowlado kale ku biira, ilaa imikana anay Soomaalida kale isku dayin in ay darsaan waxa ay isku hayaan labada dhinac.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Somaliland anay colaad u haynin cidna, ee kali ah ay rabto shanta Soomaaliyeed oo walaalo ah, oo mid waliba ay dowlad gaar ah tahay.