4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 10, 2024
Madaxweyne Xasan Sheikh: Ballan waxaan ku galnay in uusan dalka xukumidoonin qof aysan shacabku dooran
 

Arbaco, April, 10, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa sheegay, dalku inuu aadayo doorasho dimuqraadi ah, isagoo u sheegay cid walba oo ka ra’yi duwan inay ku kalsoonaadaan codka shacabka Soomaaliyeed ay ku dooranayaan madaxda berrito.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay inuu wacad ku maray in aanay dadka Soomaaliyeed xukumidoonin qof aanay iyagu codkooda ku dooran.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay afarta cutub ee dastuurka ee wax ka beddelka lagu sameeyay inay weli jiraan fursado wax looga sii beddeli karo, laakiin wuxuu caddeeyay in aysan marnaba gorgortan ka gali doonin inuu dalku aadayo nidaamka dimuqraadiyeed oo ay dadku awood u yeelanayaan inay iyagu soo doortaan qofka ay doonayaan.

“Dadka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan ha u diyaar garoobaan, codkooda ay leeyihiin inay go’aan ku gaaraan. Ciddii ra’yi siyaasadeed oo fiican la timaada Soomaaliyay doorta,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa mucaaradnimo kala kulmay wax ka beddelka ay dowladdiisa ku sameysay dastuurka dalka, iyadoo dadka ka aragtida duwan ay ku dhaleeceeyeen in madaxweynuhu ka shaqeynayo sifo uu xukunka kusii dheeraysto isagoo u maraya xeelado ay kamid yihiin wax ka beddelka dastuurka.

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada oo markii hore heshiis kula ahaa hannaanka cusub ee uu dalku u guuray, midkoodna masoo dhowayn wax ka beddelka dastuurka.

Warar ayaa sheegaya in ay saluugsan yihiin wax ka beddel lagu sameeyay heshiiska arrimaha doorashada.