4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 3 , 2023
Somaliland iyo Ingiriiska oo ka wada hadlay xaalada Laascaanood iyo doorashooyinka

Arbaco, May, 3, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa dowladda Ingiriiska u sheegtay in xukuumadiisu ay diyaar u tahay in colaada Laascaanood xal nabadeed lagu dhameeyo, iyo in doorashooyinka la qabto.

Madaxweynaha oo kulan fogaan arag ah la yeeshay Wasiiru-dowlaha Horumarinta iyo Arrimaha Afrika ee Dowladda Ingiriiska Andrew Mitchell, ayaa ku wargaliyay in Somaliland diyaar u tahay in xal nabadeed laga gaadho xaalada Laascaanood, lakiin laga saaro ciidamo beeleedka gurmadka u yimid.

Madaxweynaha ayaa sidookale Mitchell u shegay in xukuumadiisu ay diyaarisay kharashkii kaga bixi lahaa doorashada isla markaana ay diyaar u tahay in ay qabato doorashooyinka ururada iyo madaxtooyada, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kulanka kasoo baxday.

Hoos ka dheeho warsaxaafadeeda oo faah faahsan:-