4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 3 , 2023
Raysal wasaare Xamse oo magacaabay xubno cusub oo wasiirro ah
 

Arbaco, May, 3, 2023 (HOL) - Ra’iisul Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay xubno cusub oo kamid noqonaya golihiisa wasiirrada.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu magacaabay Cabdikariim Cabdow Xaydar – Wasiiru-Dowlaha Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Axmed Jaamac Cumar – Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Wasiirrada la magacaabay ayaa buuxinaya xilalkii ay baneeyeen, Gen. Sulub Axmed Firin, taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, oo horey u ahaa wasiir ku xigeenkii wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, iyo Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) oo khilaaf kala dhaxeeyay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada awgiis isaga casilay xilkiisii.

Raysal wasaare Xamse oo muddo ku dhow sanad xafiiska jooga, ayaa qaar badan oo kamid ah golihiisa wasiiradda waa xildhibaanimo katirsan barlamaanka.

Cabdikariim Cabdow Xaydar oo hadda loo magacaabay wasiir udowlaha gaadiid iyo duulista hawada ee xukuumadda Soomaaliya, waa xildhibaan katirsan barlamaanka barlamaanka aqalka hoose.

Arrintaan ayaa waxaa loo arkaa inay qeyb ka tahay isku millanka xukuumadda iyo barlamaanka, si xukuumadda uga fogaato in barlamaanka culays kaga yimaado.