4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 25, 2023
33 degmo oo katirsan Puntland oo saakay looga dareeray doorashooyin qof iyo cod ah

Khamiis, May 25, 2023 (HOL) - 33 degmo oo katirsan Puntland ayaa saakay si nabad ah looga codeynayaa, iyadoo dadweynuhu dooranayaan wakiillada ku matalaya golayaasha degaanka ee dowladaha hoose ee Puntland.

Doorashadan oo ah mid dimuqraadi ah ayaa ah middii ugu horreysay oo degaanada Puntland ka dhacda tan iyo sanadkii 1969, waxayna dadweynuhu safaf ugu jiraan inay codkooda ku doortaan xildhibaanada matalaya.

Sida uu sheegay guddiga doorshada ee TPEC, lix urur siyaasadeed ayaa doorashadan ku tartamaya, kuwaas oo kala ah, Kaah, Mideeye, Sincad, Runcad, Mustaqbal, iyo Ifiye.

Doorashadan qof iyo codka ah ayaa waxaa ka maqan Garowe, Dangorayo iyo Godob jiraan, kuwaas oo siyaasiyiinta mucaaradka ay ka hor yimaadeen in doorashada laga qabto, sababa ay ku sheegeen in Deni uu doonayo inuu ku xalaalaysto qorshe muddo kororsi.

Amniga doorashada ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo in ka badan 6 kun oo askari loo daad gureeyay goobaha codbixinta ka dhacayso.

Dowladda federalka Soomaaliya ayaa dhawaan ka digtay in ay qalalaase sababi karaan doorashooyinka Puntland, iyadoo ka digtay in doorasho aan heshiis lagu ahayn lagu degdego.

Si kastaba ha ahaatee, doorashada ayaa socondoonta illaa lixda maqribnimo ee caawa, iyadoo kadibna loo gudbidoono tirinta codadka doorashada iyo ku dhawaaqista natiijada.