3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 25, 2023
Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo shabakado ka ganacsada dhuxusha

Khamiis, May 25, 2023 (HOL) - Dowldda Mareykanka ayaa cunaqabateyn culus ku soo rogtay 26 qof iyo hay’ado xiriir la leh kooxda Al-Shabaab, iyo Shirkado Soomaaliyeed oo dhoofiya Dhuxusha.

Tallaabadan, oo lagu dhawaaqay Arbacadii, ayaa si gaar ah u beegsanaysa hawl-wadeennada ku hawlan fududaynta dhaqaalaha, dhaqdhaqaaqyada ganacsi ee sharci-darrada ah, iyo dhuxusha sharci-darrada ah, taasoo sida la sheegay dakhli badan u abuurta al-Shabaab.

Shaqsiyaadka lagu sheegay warbixinta ee shabakadan ku lugta leh waxaa ka mid ah Cali Axmed Naaji, oo tan iyo 2013, ka shaqaynayay dhoofinta dhuxusha, isagoo u marayay shirkadiisa Jamaame Brothers, taasoo xidhiidh ganacsi oo qoto dheer la lahayd dalal ay ka mid yihiin U.A.E., Kenya, Djibouti, China, India, iyo Pakistan.

Dadka kale ee la xusay waxaa kamid ah, Bashiir Khaliif Musse, oo fadhigiisu yahay Dubai, iyo shabakaddiisa shirkadeed, Mariam Barreh, agaasimaha Bushra Bachir Shipping and Logistic Services L.L.C. iyo Abdulwahab Noor Abdi, oo ku magac dheer “Tomato". Dhammaantood ayaa si weyn uga qayb qaatay hawlaha dhoofinta dhuxusha.

Brian E. Nelson, oo ah Kaaliyaha Xoghayaha Maaliyadda ee Argagaxisada iyo Sirdoonka Maaliyadda, ayaa hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay Maamulka in ay si wada jir ah ula shaqeeyaan Dowladda Soomaaliya si looga hortago khataraha argagixisada.

"Calaamadaha maanta waxay hoosta ka xariiqayaan xiriirkan firfircoon iyo sida ay Mareykanka uga go'an tahay horumarinta xasilloonida iyo ammaanka gobolka," ayuu yiri.

Dhammaan hantida iyo danaha shaqsiyaadkan iyo shirkadaha ay xiriirka la leeyihiin ee gudaha Mareykanka ayaa la xannibay.












Click here
5/25/2023 11:11 AM EST
Khamiis, May 25, 2023 (HOL) - Wabiga Shabeelle ayaa fatahaad ka sameeyay saacadahii lasoo dhaafay xaafado ka tirsan degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

5/25/2023 9:58 AM EST
Khamiis, May 25, 2023 (HOL) - Shirka Todobaadlaha ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya oo uu maanta shir guddoominayey Raysal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda ahna ku simaha Raysal wasaaraha Saalax Axmed Jaamac ayaa diiradda lagu saaray Fatahaadda Wabiga Shabeelle uu ka sameeyey gobolka Hiiraan, diyaar garowga imtixaanka Shahaadiga ee dugsiga sare iyo dhaqan gelinta nidaaminta bajaajyada ka howlgala Caasimadda dalka.

5/25/2023 7:48 AM EST
Khamiis, May 25, 2023 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa nasiib darro ku tilmaamay in siyaasiyiin uu ku sifeeyay saaqidiin ay hor istaageen inay doorasho ka dhacdo magaalada Garowe.

5/25/2023 4:15 AM EST
Khamiis, May 25, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo saakay ka dhacay agagaarka xarunta degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

5/25/2023 3:02 AM EST
Khamiis, May 25, 2023 (HOL) - 33 degmo oo katirsan Puntland ayaa saakay si nabad ah looga codeynayaa, iyadoo dadweynuhu dooranayaan wakiillada ku matalaya golayaasha degaanka ee dowladaha hoose ee Puntland.

5/25/2023 1:52 AM EST
Khamiis, May 25, 2023 (HOL) - Maamulka gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay in maanta oo Khamiis ah magaalada Muqdisho uu ka dhaqan galayo jadwalkii loo asteeyay Mooto Bajaajyada ka shaqeeya Muqdisho ee ahaa A iyo B.