9/27/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 24, 2023
Ingiriiska iyo Somaliland oo ka wada hadlay dagaalka Laascaanood iyo doorashooyinka

Arbaco, May, 24, 2023 (HOL) - Safiirka cusub ee Ingiriiska ee Soomaaliya Amb Mike Nithavrianakis iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka wada hadlay dagaalka Laascaanood iyo doorashooyinka.

Kulanka safiirka iyo madaxweynaha oo ka dhacay Madaxtooyada Somaliland ayaa layskula soo qaaday colaada Laascaanood, isaga oo Biixi safiirka u sheegay in Somaliland ay ka go'antahay xabad joojin.

"Waxa kulankaa lagaga hadlay arrinta dagaalka Laascaanood sidii xal loogu heli lahaa, waxaanu madaxweynuhu safiirka la wadaagay in marwalba ay ka go’an tahay xukuumadda xabbad-joojin, diyaarna ay dawladdu u tahay nabad" ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed kulanka kasoo baxday.

Madaxweyne Biixi ayaa munaasibadii 18 May ka sheegay in uu dagaalka Laascaanood soconayo inta la gaadhayo xadkii Ingriiska ee Somaliland.

Dhinaca kale, kulanka ayaa layskula soo qaaday geedi socodka doorashooyinka soo foodle, madaxweynaha ayaana safiirka u sheegay in howlaha doorashooyinku u socdaan si habsami leh.

"Waxa kale oo laga  wada hadlay arrimaha doorashooyinka Somaliland ku soo fool leh, waxaanu madaxweynuhu u sheegay safiirka inay si habsi leh u socdaan hawlaha u diyaar garowga doorashooyinku, sida shaqada daabacaadda iyo qaybinta kaadhadhka codbixiyayaasha" Ayaa warsaxaafadeeda lagu yidhi.

Ugu danbayn, kulanka ayaa lagaga hadlay mashaariicda horumarineed ee Ingiriisku ka hirgaliyo Somaliland, dekedda Berbera iyo wadada Berbera Corridor.












Click here
5/24/2023 2:07 PM EST
Arbaco, May 24, 2023 (HOL) - Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa hakiyay doorashada saddex degmo oo ay kamid tahay Garowe, sababa la xiriira xaaladda amni iyo dhacdooyinkii lidiga ku ahaa doorashada ee ka dhacay Garowe.

5/24/2023 1:58 PM EST
Arbaco, May, 24, 2023 (HOL) - Colaad laba beelood ku dhexmartay gobolka Togdheer ee Somaliland ayaa ugu danbayn maanta xal buuxa laga gaadhay.

5/24/2023 10:07 AM EST
Arbaco, May 24, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax duhurnimadii maanta ka dhacay xaafada Howlwadaag ee magaalada Baledweyne, kaasoo ay ka hortageen ciidamada amaanka degmada Baledweyne.

5/24/2023 8:26 AM EST
Arbaco, May 24, 2023 (HOL) - Doorashada golaha degaanka ee degmooyinka Garowe, Dangorayo iyo Godobjiraan, ayaa lagu wadaa in dib loo dhigo, kaddib markii ciidamo maleyshiyaad ah oo ka amar qaata siyaasiinta mucaaradka ay ka hor yimaadeen.

5/24/2023 8:04 AM EST
Arbaco, May 24, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Arbaco ah magaalada Muqdisho ku furay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya.

5/24/2023 5:14 AM EST
Arbaco, May 24, 2023 (HOL) - Safiirka xilka ka sii tegaya ee Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Larry André ayaa wareysi uu siiyay BBC Soomaaliya uga hadlay khilaafka u dhexeeya Dowladda federalka iyo Puntland.

5/24/2023 2:56 AM EST
Arbaco, May 24, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Xalay kooxo hubeysan ay ugu geysteen degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa ganacsatada degmadaas.

5/24/2023 2:21 AM EST
Arbaco, May 24, 2023 (HOL) - Iyadoo 24 saac wax ka yar ay ka harsan tahay doorashada golayaasha deegaanka Puntland, ayaa koox dabley ah waxay weerar ku qaadeen sanaadiiq doorashada oo loo waday degmada Burtinle iyo degaano hoos yimaada.

5/24/2023 2:00 AM EST
Arbaco, May 24, 2023 (HOL) - Warsaxafadeed kasoo baxay dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in mid ka mid ah Horjoogayaasha kooxda Al-shabaab lagu dhaawacay hawlgal wadajir ah oo degmada Jilib ay ka fuliyeen ciidanka dowladda Soomaalya iyo saaxiibada caalamiga ah.