4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 24, 2023
Madaxweynaha Soomaaliya oo furay shirka golaha wadatashiga qaran oo ka dhacaya Muqdisho
 

Arbaco, May 24, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Arbaco ah magaalada Muqdisho ku furay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya.

Golahan oo ka kooban madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka, iyo maamulka G/Banaadir ayaa ka doodi doona arrimaha amniga dalka iyo cafinta deymaha lagu leeyahay Soomaaliya.

Goluhu wuxuu sidoo kale ka doodi doonaa fulinta heshiisyadii hore iyo sidii uu door muhiim ah uga ciyaari lahaa wax ka qabashada arrimaha muhiimka ah ee Soomaaliya horyaalla.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa markii labaad ka maqan shirkaan, isagoo horey uga ka maqnaa shirkii ka dhacay Baydhabo.

Madaxweyne Deni ayaa horey ugu adkaystay in inta heshiis siyaasadeed laga gaarayo arrimaha federalka iyo dhameystirka dastuurka, ay Puntland ku dhaqmayso qodobka 4-aad ee dastuurkeeda oo dhigaya inay Puntland sii ahaato dowlad madax bannaan.