3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 22, 2023
Beesha caalamka oo bogaadisay nidaamka dimuqraadiyadda Puntland
 

Isniin, May 22, 2023 (HOL) - Beesha caalamka ayaa Puntland ku bogaadisay sida ay uga go'antahay inay ka mirodhaliyaan ballanqaadkooda ku aadan hirgalinta nidaamka dimoqraadiyadda.

Warsaxaafadeed kasoo baxay beesha caalamka ayaa lagu yiri," Saaxiibdu waxay qireen dadaallada, sida gaarka ah uu bixiyay Guddiga Ku-Meel-Gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), si looga gudbo caqabadaha waaweyn ee horyaalla u diyaargarowga dhacdadan doorashada tooska ah.

Beesha caalamka waxay ku dhiirri gelisay dhammaan daneeyayaasha inay gacan ka geystaan xaqiijinta ​​sidii doorashada loogu qaban lahaa jawi nabdoon, iyo in wax laga qabto khilaafaadka imaan kara iyadoo loo marayo wadahadal iyo hannaanka sharciga.

Waxay sheegeen inay rumeysan yihiin khibradda ay Puntland u leedahay doorashooyinka tooska ah in ay wax bari karto oo ay dhiirigelin karto fidinta dimoqraadiyadda Soomaaliya oo dhan.

Ugu dambayn, beesha caalamka waxay hoosta ka xarriiqeen inay weli ka go’an tahay oo ay  taageeraan hannaanka dimuqraadiyeynta Soomaaliya.












Click here
5/22/2023 12:25 PM EST
Isniin, May 22, 2023 (HOL) - Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkii mudada labada sano ah ka socday gobolka Tigray, kaas oo dhinacyadii uu dagaalku ka dhaxeeyay ay dhawaan heshiiyeen.

5/22/2023 6:13 AM EST
Isniin, May 22, 2023 (HOL) - Cabdulqaadir Xasan Cabdulle (Sheelare) oo ahaa askari dowladda katirsan, kaasoo lix qof oo shacab ah ku dilay qori Dhashiike ah intii lagu gudo jiray shaqaaqo ka dhacday isgoyska Siinaay ee degmada Yaaqshiid, ayaa maanta lagu xukumay dil toogasho.

5/22/2023 4:36 AM EST
Isniin, May 22, 2023 (HOL) - Sarkaal ciidan oo horey usoo noqday taliye ku xigeenkii ciidanka ilaalada ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe ayaa saakay lagu dilay magaalada Garowe.

5/22/2023 4:01 AM EST
Isniin, May 22, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgalo qorsheysan oo ay Xalay ciidanka dowladda ka sameeyeen degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, kaasoo lagu soo qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab iyo waxyabaaha maanka dooriya.

5/22/2023 2:30 AM EST
Isniin, May 22, 2023 (HOL) - Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ku heshiiyey in sare loo qaado amniga dowlad goboleedka Hirshabeelle kadib wada hadalo magaalada Jowhar ku dhex maray taliyeyaasha labada dhinac.

5/22/2023 2:19 AM EST
Isniin, May 22, 2023 (HOL) - Wabiga Shabeelle ee dhexmara gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo sagaalkii bishaan ku fatahay xaafadaha Baledweyne oo sababatay barakaca kumanaan qoys ayaa saacadahii lasoo dhaafay bilaabay inuu ka naqo xaafadaha qaar.

5/22/2023 2:11 AM EST
Isniin, May 22, 2023 (HOL) - Dadka ku nool tuulooyinka xuduudka Kenya iyo Soomaaliya ee ismaamulka Lamu ayaa aad ugu farxay kadib markii lagu dhawaaqay in 90 maalmood gudahood la furayo xadka Kenya iyo Soomaaliya.