4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 22, 2023
Wabiga Shabeelle oo naq bilaaw ah ka sameeyay xaafadaha Magaalada Baledweyne

Isniin, May 22, 2023 (HOL) - Wabiga Shabeelle ee dhexmara gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo sagaalkii bishaan ku fatahay xaafadaha Baledweyne oo sababatay barakaca kumanaan qoys ayaa saacadahii lasoo dhaafay bilaabay inuu ka naqo xaafadaha qaar.

Wabiga Shabeelle ayaa meelo badan oo ka mid ah xaafadaha Bundaweyn, Kooshin, Howlwadaag iyo Xaawa taako ka sameeyay naq bilaaw ah oo farxad galiyay dadkii ka barakacay guryahooda.

Rajo badan ayay ka qabaan shacabka reer Baledweyne naqa bilaawga ah ee laga dareemay saacadahii lasoo dhaafay xaafadaha Baledweyne in guud ahaan biyaha kasoo baxay wabiga dib ugu laabtaan maalmaha ka dhiman bishaan May.

Deegaanada dhulka ismaamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sidoo kale laga soo wariyay in biyahii ka baxay wabiga Shabeelle ay dib ugu xaroodeen wabiga, islamarkaana aysan jirin biyo kale oo kasoo socda dhanka dowlad deegaanka oo uu ka yimaado wabiga Shabeelle.

Si kastaba ha ahaatee fatahada ku dhufatay Baledweyne ayaa sababtay barakac baahsan, burburka guryo fara badan oo ay biyaha qaadeen iyo wadooyinka oo sidoo kale burbur lixaad leh kasoo gaareen biyaha oo ahaa kuwa si xoowli ah ku socday in ka badan 10 maalmood oo xiriir ah.