4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 22, 2023
Shacabka Lamu oo soo dhaweeyay in dib loo furo xadka Kenya iyo Soomaaliya

Isniin, May 22, 2023 (HOL) - Dadka ku nool tuulooyinka xuduudka Kenya iyo Soomaaliya ee ismaamulka Lamu ayaa aad ugu farxay kadib markii lagu dhawaaqay in 90 maalmood gudahood la furayo xadka Kenya iyo Soomaaliya.

Mamnuucidda dhaq-dhaqaaqa xuduudaha ee labada dal ayaa soo jirtay 12-kii sano ee la soo dhaafay.

Waxaa la soo rogay sanadkii 2011 markii Kenya ay billowday howlgalka Linda Nchi ee lagula dagaallamayo qulqulka dagaalamaayasha Al-Shabaab ee gudaha dalka.

Isniintii, shir heer sare ah oo wadatashi ah oo magaalada Nairobi ku dhex maray xoghayaha arrimaha gudaha Kithure Kindiki iyo dhiggiisa Soomaaliya Maxamed Axmed Sheekh ayaa la isku afgartay in 90-ka maalmood ee soo socda si rasmi ah loo furo xadka Soomaaliya ay la wadaagto Mandera, Lamu iyo Gaarisa.

“Waxaan go’aansanay in xuduudka Kenya iyo Soomaaliya u dhexeeya dib loo furo. Waxaa ugu horreeya degmada Buula Xaawo ee Mandheera muddo 30 maalmood ah. Waxaa ku xiga Liboi (Mandera) 60 maalmood gudahood, iyo Ras Kamboni (Lamu) 90 maalmood gudahood,” ayuu yiri Prof Kindiki.

Dadka ku nool tuulooyinka xadka Lamu, oo ay ku jiraan Kiunga, Ishakani, Ras Kamboni, Madina, Kiwayu, iyo Mkokoni, oo la hadlay Nation.Africa ayaa muujiyay farxad.