12/9/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 20, 2023
Madaxweyne Deni: Koox yar oo riyoonaysa ayaa diidan dowladnimada iyo dimuqraadiyadda Puntland

 

Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inay koox yar kasoo horjeedaan doorashooyinka dimuqraadiyadda, isagoo kooxdaas ku tilmaamay kuwo riyoonaya.

Hadalka madaxweyne Deni ayaa u muuqday mid adkaynaya mowqifkiisa ku aadan qabsoomidda doorashada golayaasha deegaanka Puntland, xilli siyaasiyiinta mucaaradka ay diidan yihiin.

"Koox yar oo riyo ku jira ayaa diidan dowladnimada iyo dimuqraadiyadda Puntland. Waxaa la arki jiray dad habeenkii riyooda. hadda waxaa soo baxay kuwa maalintii riyoonaya. Waxaan rajeynayaa inay riyadaas kasoo kacaan oo runta usoo daadegaan," ayuu yiri madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni waxa uu sheegay dadku inay isbeddeleen, ayna diyaar u yihiin inay codkooda wax ku doortaan, isagoo sheegay in lasoo gudbay heer dadka dhegta wax loogu sheegi jiray.

Hadalkan ayuu madaxweye Deni ka sheegay isagoo safar ku marayay degaanada bariga Puntland, iskuna diyaarinaya doorashooyinka dowladaha hoose.

Dhinaca kale, siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ayaa isku dayaya inay cunaqabatayn ku sameeyaan qalabka doorashada inuu ka baxo magaalada Garowe, iyadoo la sheegayo inay abaabuleen maleyshiyaad kasoo horjeeda doorashada.













Click here
5/20/2023 11:22 AM EST
Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa Maanta markale dekada magaalada Muqdisho ku qabtay agab iyo saanad ciidan oo la sheegay in loo waday kooxda Al-shabaab.

5/20/2023 11:11 AM EST
Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Hay'adda Xasaradaha Adduunka ee International Crisis Group, ayaa dhinacyada Laascaanood ku dagaalamaya ugu baaqday in ay wadahadlaan.

5/20/2023 10:07 AM EST
Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Raysal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Maanta magaalada Muqdisho ka furay Shirweynaha Qaran ee dhallinyarada Soomaaliyeed oo lagu dhaqan gelinayo Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada.

5/20/2023 9:39 AM EST
Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare badan geystay oo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay duuleedka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo dhexmaray laba maleeshiyo beeleed oo walaalo ah.

5/20/2023 5:45 AM EST
Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Daahir Maxamed Cali ( Daahir Baasto ) oo ahaa Guddoomiye ku xigeenka Ururka ONLF ayaa is casilay, kaddib markii uu Daahir baasto ku eedeeyay hoggaanka ONLF inuu ururka ka leexiyay wadadii loo aasaasay oo ahayd inay ka tarjumaan baahiyaha Shacabka dowlad degaanka Soomaalida.

5/20/2023 3:09 AM EST
Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Madasha siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ayaa sheegay in aysan ka warqabin ama aysan diidin wadahadallo looga hadlayo muranka doorashada Puntland.

5/20/2023 2:50 AM EST
Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan wadanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa kulan kula qaatay halkaasi dhaxal sugaha dalka Sacuudiga Amiir Maxamed Binu Salmaan.

5/20/2023 1:03 AM EST
Sabti, May, 20, 2023 (HOL) - Hey'adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa warbixin ka soo saartay qiimaynta hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya.