3/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 2 , 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh "Sanadka 2026 aniga waxaa iga go’an inaan hoolka doorashada dib loogu noqonin"
 

Talaado, May, 2, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay dood furan oo si toos ah loogu weydiinayay su'aalo kala duwan oo la xariira xaalada dalka iyo waxqabadka dowladdiisa ayaa si faahfaahsan uga hadlay arrimo ay ka mid ahayeen in dowladiiisa ay ka go'an tahay in dalka laga xureeyo Al-shabaab, islamarkaana ay hirgeliso qabashada doorasho qof iyo cod ah sanadka 2026-ka.

Wuxuu tilmaamay madaxweyne Xasan Sheekh in dowladdiisa ay qorsheysay sidii dalka uu uga dugbi lahaa doorasho dadban oo wakiilada beelaha kusoo xulayaan Xildhibaanka, isagoona xusay in wax badan laga soo bartay sababaha ay suurtageli weyday doorasho dadweyne oo loo doorbiday mid dadban.

"2026 aniga waxaa iga go’an inaan hoolka ku noqonin si aan aniga ugu noqon dadkii igu dooran lahaa waa in aanay u noqon jufo hebeleey wakiiladiina keena waa in aan ku noqon, waan ku tala jirnaa doorasho qof iyo cod ah oo qorshe cad ayaa dowladdaan uga degan, markaan daqiiqadda ugu dambeysa marka sanad ama lex bil ka dhiman tahay ma billaabeynee ee maanta ayaa billaabeynaa” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale sheegay in wajigii koobaad ee howlgalada ka dhanka ahaa Al-shabaab in lagu guuleystay oo haatan la isugu keenay kooxda Shabaab meel dhexe oo dhameystir u baahan.

"Alshabaab waxaan kasoo ciriirinnay dhankii Wabigii iyo dhankii Badda, meel dhexda ah bay ku jiraan, wajigii 1-aad waxa uu ahaa Hirshabeelle iyo Galmudug, Wajiga Labaadna waxa uu noqon Jubbaland iyo Koonfur-galbeed. Maanta waxaa Ilaah mahaddiisa ah in gaariga ka soo baxa Jowhar uu cabsi la’aan ku imaanaya Muqdisho" ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xusay in dowladda Fedaraalka Soomaaliya iney xoogga saareyso sidii dalka looga samata bixin lahaa daruufaha kala duwan oo ay ka mid yihiin qabyo tirka Dastuurka, Deyn Cafinta, Amniga, dhaqaalaha iyo fulinta Mashaariicda lagu hormarinaayo dalka.












Click here
5/2/2023 1:09 PM EST
Talaado, May, 2, 2023 (HOL) - Raysul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ku dhawaqey qiimaha Xajka sanadkan, kaddib munaasabad galabta ka dhacdey Xarunta Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee magaalada Muqdisho.

5/2/2023 12:45 PM EST
Talaado, May, 2, 2023 (HOL) - Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay howlgal ciidamada dowladda ay ka fuliyeen deegaanka Ceel qaboobe in lagu laayay Ajaaniib ka dhinac dagaalamaysay kooxda Al-shabaab, islamarkaana kuwa kale nolosha lagu qabtay.

5/2/2023 9:07 AM EST
Talaado, May, 2, 2023 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa maanta daahfuray Geeddi-socod Wadashaqayneed oo dhabaha u furaya iskaashi cusub oo dhex maraya labada sano ee soo socota.

5/2/2023 5:16 AM EST
Talaado, May, 2, 2023 (HOL) - Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa soo saartay qoraal digniin ah oo ku socda shirkadaha duulimaadyada gudaha dalka oo cabasha xoogan kasoo gudbiyeen rakaabka isticmaala diyaaradaha u kala duula gobolada dalka.

5/2/2023 4:04 AM EST
Talaado, May, 2, 2023 (HOL) - Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa la kulmay ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Anita Kiki.

5/2/2023 1:30 AM EST
Talaado, May, 2, 2023 (HOL) - Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Koonfurta gobolka Mudug ayaa la sheegay inay howlgal qorshaysan ku dileen 60 ka tirsan Alshabaab.