4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 12, 2023
Wasiir Xaange: Madaxweyne Deni markuu waayay jagada raysal wasaare ayuu go'aansaday inuusan la shaqayn DFS
 

Jimco, May, 12, 2023 (HOL) - Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Cabdiqafaar Xasan Xaange ayaa ku tilmaamay sababta madaxweyne Deni u mucaaradsan yahay dowladda federalka inay tahay markii uu waayay jagada raysal wasaare.

Wasiir Xaange oo kamid ah xildhibaanada lagasoo doortay Puntland ayaa sheegay in madaxweyne Deni uu aad uga carooday in madaxweyne Xasan Sheikh uu ka waayay inuu usoo magacaabo jagada raysal wasaarenimo.

“Siciid Deni wixii ka dambeeyay doorashadii Afisyooni wuxuu olole u galay kursiga raysal wasaaraha. Hankaas iyo rabitaankaas waad la socotaayoo way hubgoobeen. Maalinta uu kursigaas waayay, ayuu Siciid Deni dhexda u xirtay inuu khilaaf ka dhex abuuro Puntland iyo Dowladda dhexe oo ah in uusan la shaqayn,” ayuu yiri wasiir Xaange.

Xaange wuxuu sheegay madaxweyne Deni inuu beesha caalamka iyo hay’adaha dayn cafinta Soomaaliya ka iibiyay in aysan Dowladda dhexe heshiis wada shaqaynayd la lahayn

Wuxuu sheegay reer Puntland in aysan madaxweyne Deni ku raacsanayn khilaafka uu khilaafsan yahay Dowladda dhexe, wuxuuna ku tilmaamay mid Deni u gaar ah oo danihiisa gaarka ah uu ka dhex waayay.

Hadalkan ayuu wasiir ku xigeenka maaliyadda  ka sheegay wareysi uu siiyay Dalsan tv, isagoo kaga hadlayay waxa ay isku hayaan Dowladda federalka iyo maamulka Puntland.