4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 6 , 2023
Abaarta ka jirta gobolka Daawo ee dowlad degaanka Soomaalida oo dad u dhinteen
 

Isniin, Maarso, 6, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya dowlad degaanka Soomaalida gaar ahaan gobolka Daawo ayaa sheegaya in ay meel adag oo aad looga naxo ay marayso abaartii dhawaan ku dhufutay gobolkaas.

Abaartan oo saamaysay dad iyo duunyo ayaa sida ay wararku sheegayaan waxaa gaajo iyo haraad ay abaartani keentay u dhintay ilaa 6 qof, sidoo kale xoolo badan ayaa iyaguna ku baaba'ay abaartan oo muddo ilaa afar sano ah ka jirtay gobolka Daawo, sida uu Warbaahinta u sheegay xildhibaan Cabdinuur Colow Axmed oo kamid ah xildhibaannada degaanka Soomaalida kana soo jeeda gobolka ay abaartu ku dhufatay ee Daawo.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa Warbaahinta u sheegay inay xaaladda abaarta ah ee ka jirta gobolka Daawo ay la wadaageen xukuumadda Madaxweyne Mustafe, sidoo kalena ay Odayaasha gobolka Daawo marar badan Madaxweynaha kala hadleen xaaladda gobolka daawo, balse aan wali wax jawaab ah laga bixin.

Gobolkan Daawo oo aysan wali gaarin gargaar dowladeed iyo mid hay'adeed toona, ayaa dadka degaanka kasoo jeeda waxay aaminsan yihiin inay dowladdu ka gacan bidixaysay xaaladda ka jirta gobolka Daawo, maadaama aysan wali ka hadlin xaaladdan abaareed sidoo kalena aysan wali wax jawaab ah ka bixin abaartan.

Dhinaca Xukuumadda degaanka Soomaalida wali wax war ah oo abaartan ku saabsan kama soo bixin, sidoo kalena kama jawaabin eedaymahan loo soo jeediyay.

Abaartan ka jirta gobolka Daawo ee degaanka Soomaalida ayaa ah mid aad looga dayrinayo, iyadoo maalinba maalinka xigta ay kasii darayso saamaynta ay abaartani keentay oo si siman ay ugu baaba'ayaan dadkii iyo duunyadiiba.