4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 6 , 2023
Xubnihii ugu badnaa oo hal mar iska casilay xubinimadoodii Xisbiga Wadajir
 

Isniin, Maarso, 6, 2023 (HOL) - Ilaa 19 xubnood oo ka mid ahaa Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa iska casilay xubinimadoodii Xisbiga Wadajir.

Xubnahaan iscalisay waxaa ka mid ah kuwa si weyn uga dhex muuqday Xisbiga Wadajir iyo kuwa haatan xilal ka haaya dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Bayaanka lagu shaaciyay iscasilaada xubnabaan ka mid ka ahaa Xisbiga Wadajir laguma sheegin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa iscasilaadooda, waxayna ku gaabsadeen inay jiraan arrimo u gaar ah oo ku khasbay inay gaaraan go’aankaan.

Warar hoose oo la helay ayaa sheegaya in iscasilaada xubnahaan ay salka ku hayso in hoggaamiyaha Xisbiga isku fahmi waayeen go’aanada dowladda ka dhanka ah ee mudooyinkii dambe ka soo baxayay oo ay ugu dambeysay mudo kororsiga sanadka ah ee loo sameynayo hay'adaha kala duwan ee dowladda oo uu ku tilmaamay sharci daro.

Hoos ka akhriso Bayaanka oo Faahfaahsan:-