4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 6 , 2023
Madaxweyne Deni: Haddii Isimada SSC ay naga codsadaan dagaalka Laascaanood si rasmi ah ayaan u galaynaa
 

Isniin, Maarso, 6, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inay dagaalka Laascaanood ka qeyb galayaan haddii garaadada SSC ay ka codsadaan.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Puntland haatan aysan wax door ah ku lahayn colaadda gobolka Sool, islamarkaana wuxuu sheegay dadka Laascaanood inay isaga filan yihiin inay difaacaan sharafkooda iyo rabitaankooda ummaddeed.

“Puntland qeyb kama aha dagaalka Laascaanood, Waxaanse ku kalsoonahay Shacabka reer Laascaanood in ay Sharafkooda iyo cirdigooda difaacaan, Kalsooni buuxda baan ku qabnaa, Waxaan u sheegayna Caalamka iyo Cidwalba in aan mus-danbeed u nahay Laascaanood, Marka Isimada iyo Garaadada ay Puntland si rasmi ah uga codsadaan oo arrinta kari waayaan, Waxaan Fariin halkan ugu dirayaa in aan diyaarnahay” ayuu yiri madaxweyne Deni

Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in Somaliland ay doonayso inay si jajuub ah gobolka Sool iyo dadkiisa ugu diidayso doonistooda ku aadan midnimada Soomaaliya, isagoo tilmaamay markii ay diideen in loo adeegsaday hubka laga mamnuucay in shacabka loo adeegsado.

Deni waxa uu ku baaqay nabad iyo in xaaladda gobolka Sool lagusoo celiyo sidii uu ahaa, wuxuuna sheegay inay taasi ku imaan karto in Somaliland ciidankeeda ay ka saarto gobolka Sool.